Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ahaa abwaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn. Abwaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay, waxaana geeridiisa xaqiijiyay qoyskiisa. Geerida Hadraawi ayaa dal iyo dibadba laga hadal hayaa.
Maxamed wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sanadki 1943kii, waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah oo ka koobnaa 9 carruur ah, hal gabar iyo siddeed wiil. Maxamed Ibraahim marki uu 10 jir ahaa wuxuu aaday dalka Yemen isagoo waqtigaa laga billaabo la nolaa adeerkiis.
Halkaas ayuu ka galay dugsi, iyadoo magaca uu ku can baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay, waraysi uu bixiyay ayuuna ku sheegay magacu inuu asal ahaan (Abuu Hadra) oo uu macallinki dugsigu u bixiyay, maadaama uu ahaa nin ardayda aad ugu sheekeeya misana ka qosliya. Marki uu dugsiga ka baxayne wuxuu macallin ka noqday mid kamid dugsiyada hoose ee dalkaYemen.
Marki ay Soomaaliya xornimada qaadatay, gobollada waqoyi iyo koofurne ay midoobeen, Hadraawi Yaman wuu kasoo tagay isagoo dib ugusoo laabtay dalkiisa hooyo gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho, isagoo halkaas mar kale noloshiisa ka billaabay, wuxuu ku biiray jaamacadda Umadda, ka qali jebiyay oo isla iyadana uu bare ka noqday.
Mar waxaa xiray madaxweynihii milatariga ahaa Maxamad Siyaad Barre, sidoo kale wuxuu muddo baaritaano ka waday dalal dhowr ah sida Ingiriiska, wuxuu leeyahay maansooyin uu ku fadeexeynayo dhaqamada xunxun ee Reer Galbeedka, sida Dimuqraadiyadda, waxaana maansooyinkaasi kamid ah Daba-huwan.