Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab Sh/Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id ku faahfaahiyay weerarka ka soconaya hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in ahaa goob shirqoollo looga soo maleego Mujaahidiinta. Wuxuu xaqiijiyay in ciidankoodu wali ka hawlgalayaan gudaha hotelka ayna iska caabiyeen weeraro ka badan 15 oo uga yimid ciidamada DF. Wuxuuna xusay in khasaare culus gaarsiiyeen.
“Khasaarada inta horudhaca ah ee aan heyno 24 saac kadib dhimashadu waxay ka badan tahay 40 dhaawacuna waa illaa Todobaatameeyo, Ilaahey baana u mahad celineynaa Subxaanahu watacaalaa”. Sidaasi waxaa yiri Sh/Abuu Muscab.
Qeybaha dhexe ee shirkiisa Jaraa’id wuxuu uga warramay hadafka ay ka leeyihiin haw;galkan, wuxuuna yiri: “Hawlgalkan wuxuu yimid ayada oo Murtaddiintu, gaar ahaan madaxa ridada Xassan Garguurte uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa Saliibiyiinta isaga oo sheegaya inuu Mujaahidiinta burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’sho tacsi iyo geerina ay u taallo”
Wuxuu sheegay in Xassan Sheekh uu yahay nin doqon ah oo dagaal iclaamiyay isagoo aan diyaar ahayn!! isagoo sidoo kale muujiyay sidii uu Farmaajo ugu fadeexoobay dagaaladii uu ku iclaamiyay Xarakada Al-Shabaab markii uu madaxweynaha ahaa. Gunaanadkii wuxuu farriin lahjad adag wadata u diray cid walba oo ku lug leh hagardaamooyinka iyo dhagaraha ka dhanka ah Mujaahidiinta.