HomeAll newsAl-Shabaab oo Sheegtay Inuu Soo Gabagaboobay Hawlgalkii Ugu Waqtiga Dheeraa Muqdisho.

Al-Shabaab oo Sheegtay Inuu Soo Gabagaboobay Hawlgalkii Ugu Waqtiga Dheeraa Muqdisho.

Hawlgalkii ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ka wadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa saacad kahor soo gabagaboobay iyadoo ay sii korortay tirada khasaaraha ee ka dhashay.

Hawlgalka oo iskugu jiray ishtish-haadi iyo inghimaasi ayaa soo bilawday maqribkii Jimcaha, wuxuuna soo gaaray maanta oo Axad ah galinkeedii hore, taas oo ka dhigaysa hawgalkii ugu waqtiga dheeraa ee ay ciidamada Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

“Hawlgalka ayaa kusoo idlaaday sidii loo qorsheeyay” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab, waxayna xuseen iney hadda ku mashquulsan yihiin tallaabooyinka u qorshaysan ee xigi doona hawgalka Xayaat.

Weerarka ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 170. Dhimashada oo kaliya waa 63 oo u badan ciidamadii kala duwanaa ee gurmad ahaanta loo keenay hoteelka, halka dhaawucuna uu gaarayo in ka badan 107.

Sida laga dheehan karayo muuqaalada la soo duubay, bur bur aad u xooggan ayaa ka muuqda dhismaha Hoteel Xayaat, kadib markii ciidamada DF ay sadexdii maalmood ee uu dagaalku socday daarta ku garaacayeen madaafiic waaweyn iyo qoryaha ka dhaca gaadiidka tiknikada ah. Waxaa kaloo jira miinooyin ay ciidamada DF ku xireen kuna qarxiyeen qaybo kamid ah hoteelka, kuwaas oo dhulka la simay inta badan dhismaha Xayaat.

Sarkaal ka tirsan jihaazka Amniga Xarakada Al Shabaab oo ay soo xiganayeen warbaahinada ayaa sheegay in tiro ka mid ah ciidamadii Al-SHabaab ee ka dagaalamayay Xayaat ay kasoo degeen hoteelka, hadana ay ku suganyihiin goobo aamin ah oo loo sii diyaariyay.

“Qorshaha dagaal ee aan degnay dhawr weji ayuu lahaa. Weji kamid ah wuxuu ahaa inaan ciidamo gelino gudaha hoteelka, halkaas ay muddo dheer ka dagaalamaan, cadawgana khasaare xooggan gaarsiiyaan, kadibna tiro kamid ah ciidamadaas aan dib uga soo saarno hoteelka, halka qaar kale ay sii wadayaan dagaalka” Ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Jihaazka Amniga Al Shabaab.

“Ciidanka aan ka soo saarnay gudaha hoteelka waxay hada gaareen goobo aamin ah oo aan u sii diyaarinay. Ciidamo kale ayaa weli ku jira gudaha Hoteel Xayaat. Wayna ku filan yihiin inay sii wadaan hawgalka inta uu Allaah na kala xukumayo anaga iyo cadawga murtadiinta ah ee aan halkaas kula dagaalamayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka AS.

Madaxda DF ayaa ka gaabsaday khasaaraha rasmiga ah ee saraakiishooda iyo ciidamadooda ka soo gaaray hawgalka, waxaana dhexdooda ka muuqanaya niyad jab iyo amakaag badan.

Cabdulqaadir Abaabul oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee DF ayaa ka shanqariyay in ciidamada DF ay ku fashilmeen weeraradii ay ku qaadeen hotel Xayaat, taa badalkeedana ay caro iyo ciqaab kala duldhaceen shacabka ku dhaqan degmada Wadajir iyo wadooyinka.

Isku soo wada duuboo, weerarkii hotel Xayaat ayaa ka dhigan mid kamid ah hawlgalladii ugu waqtiga dheeraa ee ay Xarakada Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho kuna beegsato DF, Isbitaalada gaarka ah ee dowladda waxaa dhooban dhaawacyada ciidamadeeda, waxaana ku jira qaar aan dalka wax looga qaban karin.

 

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Waxan ahay qof idintagero idin jacele alle dartisa waxan kunolahy m.baraawe walahi waqtigi baraawe jogten iyo hada farqii ween ba udhaheso mana sokobi karro halkan wll yal itihgiliya farinteda inaad aqrisitaan waa igacodsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular