Xukun dil ah oo lagu fuliyay 6 xubnood oo lagu eedeeyay iney Basaasiin u ahaayeen Mareykanka ayaa galabta ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degaanka Kuunyo Barrow ee Wilaayada Sh/hoose. Ragga xukunka lagu fuliyay dhammaantood waxay u shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka, waxaana ay gacan ka geysteen dhibaatooyin loo geystay dad kala duwan oo ay shacab kamid yihiin.
La xukumaha koowaad, waa Aweys Aadan Xassan (Dalabey) oo 28 jir ah, wuxuu qirtay inuu kamid ahaa jawaasiista Mareykanka u shaqeeya, markii ugu horreysayna shaqadan waxaa usoo bandhigay nin la yiraahdo 20 oo ka tirsan DF, iyo nin kale oo la yiraahdo Xassan Garre. Wuxuu sheegay inuu gudbiyay xogta dad kala duwan, kana qeyb qaatay duqeymo, uuna u qoray basaasiin kale, waxaana sida qaadigu uu sheegay lasoo qabtay isagoo shaqadaasi ku jiray, kuna qaadanayay lacago aad u yar.
La xukumaha labaad, waa Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo 32 jir ah, waxaa shaqada Basaasnimad ah galiyay nin la yiraahdo Jeylaani Mayow oo jaasuus u ah Mareykanka. Shaqooyinka uu qirtay inuu la qabtay waxaa kamid ah inuu ka qeyb qaatay 6 duqeyn wax ka badan oo qaarkood uu isagu si khaas ah u abaabulay, wuxuuna ku qaatay lacago yar.
La xukumaha sadaxaad waa Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo 42 jir ahaa, wuxuu qirtay inuu Mareykanka u shaqeynayay muddo 4 sano ah, sida uu sheegay waxaa shaqadan galiyay 5 xubnood oo ka tirsan DF oo koox koox iyo si gaar-gaar ah ula soo xariiray. Cabdiraxmaan ayaa Mareykanka u gudbiyay macluumaad, wuxuu ka qeyb qaatay laba duqeyn oo ka dhacay Kuunyo iyo duleedkeeda, halka uu mar hage u ahaa ciidan doonayay iney diyaarad kusoo dagaan oo arbushaad ku sameeyaan degaanka oo fashilmay.
La xukumaha afaraad, waa Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir oo 24 jir ahaa una shaqeynayay sirdoonka Mareykanka, ninkan ayaa diyaariyay duqeymo loo geystay dhowr qofood oo isugu jira Mujaahidiin iyo dad shacab ah, duqeymaha qaar ayaa fashilmay, wuxuu gudbiyay nambarrada ku dhawaad 40 ruux, halka uu shaqaaleysiiyay 40 basaasiin ah.
La xukumaha shanaad waa Maxamad Sheekhey barrow oo 27 sano jir ah una shaqeynayay Mareykanka, hawshanna waxaa galiyay Jeylaani Mayow, wuxuuna qirtay inuu kaalin ku lahaa abaabulka iyo kormeeridda duqeymo loo geystay meel Geerash ah iyo gaadiid dhowr ah oo uu kamid ahaa Caasi uu nin shacab ahi watay.
La xukumaha lixaad, waxaa lagu magacaabaa Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) waa 29 jir u shaqeynayay Mareykanka, sida uu sheegay waxaa shaqadan usoo bandhigay basaas Xamar jooga, kadibna wuxuu ka qeyb qaatay illaa 3 duqeyn oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow.
Intaasi kadib qaadiga ayaa ku dhawaaqay in xukunka raggani uu yahay dil toogasho ah, isagoo fagaaraha ka akhriyay adillooyinka loo cuskaday xukunka oo ah mid ku sugnaaday qiraal, durbadiiba xukunka ayaa la fuliayay, shucuurta dareenka dadkana aad ayuu u kacsanaa, waxaa laga dareemayay sida ay u neceb yihiin basaasiinta, waxayna ku dhawaaqayeen takbiirta (Allaahu akbar)