Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin ayaa mar kale fuliyay weerar khasaare dhaliyay oo ay la beegsadeen askar katirsan xukuumadda Maali, kaas oo ka dhacay gobal katirsan dalkaas.
Weerarkaan oo ahaa mid cagamrin ah ayay Mujaahidiinta la beegsadeen fariisin ay askarta xukuumadda Maali ku leeyihiin tuulada Morja oo katirsan goba;ka Nara ee dalka Maali.
Weerarka oo dhacay maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 8 kamid ah askarta xukuumadda Maali ee qeybta ka ahaa ciidankii ku sugnaa saldhigga la xasmiyay.
Sidoo kale waxay Mujaahidiinta weerarkaan kusoo furteen 6 gaari, hub nuucyo kala duwan leh iyagoona sidoo kale gubay in ka badan 17 gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo xerada uyiilay askarta xukuumadda Maali, Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaana baahisay sawirrada qaar kamid ah meydadka askarta dowladda ee lagu dilay weerarka..
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin silsilado weeraro ah oo ay ka fuliyeen dalka Burkinafaso ku dileen askar badan oo katirsan xukuumadda dalkaas.