Ugu yaraan 19 kamid ah maleeshiyaad taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraana ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay duqeyn xagga cirka ah oo ay geysteen diyaarado uu leeyahay Maamulka Yahuudda, kuwaas oo ka dhacay bariga dalka Suuriya, sida uu sheegay markazka waxa loogu yeero xuquuqul insaanka ee dalkaas.
Askarta lagu dilay duqeyntaan cusub ee maamulka Yahuudda ka geystay dalka Suuriya ayaa isugu jira kuwa Suuriyiin ah iyo qaar u dhashay dalka Ciraaq, kuwaas oo xilligii ay duqeyntu dhaceysay ku sugnaa halka ay duqeynta ka dhacday.
Markazkaan ayaa sidoo kale sheegay, in 4 kamid ah Maleeshiyaadka la dilay ay Suuriyiin yihiin, halka 6 kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Ciraaq, kuwaas oo lagu dilay duqeynta uu maamulka Yahuudda ka fuliyay meel u dhaw xuduudda Ciraaq.
Isagoo ka wajaabayay suurtagalnimada in Mareykanka uu fuliyay duqeyn jawaab celin u ah weerar saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin dalka Ciraaq, ayuu masuul mellatari oo American ah islamarkaana dalbaday inaan magaciisa la shaacin wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay, in xukuumadda Washington aysan saacihii lasoo dhaafay fulinin duqeymo ay isku difaaceyso.
Duqeymahaan cusub ee khasaaraha nafeed dhaliyay ayaa beegsaday dhowr xarumood iyo saldhigyo mellatari oo ay leeyihiin Maleeshiyaad gacan saar la leh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, kuwaas oo ku yaalla Magaalada Al-Bukamaal ee bariga Suuriya iyo baadiyaheeda, halkaas oo ay xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ku leedahay saameyn mellatari oo muuqata.
Tan iyo sannadkii 2011-ka maamulka Yahuudda ayaa boqallaaal duqeymo ah ka fulinaya dalka Suuriya, kuwaas oo uu ku beegsado ahdaafta xarumaha ay xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ku leedahay dalkaas iyo sidoo kale askarta nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeystay xiisadaha ka taagan Mandiqadda, waxaana ka dhacay weeraro xooggan oo lala beegsaday xarumaha mellatari ee uu Mareykanku ku leedayahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo ay xukuumadda Washington ku eedeysay iney ka dambeeyaan maleeshiyaadka taabacsan xukuumadda Shiicad aah ee Iiraan.