Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa ku waramaya in nidaamka Shiiciga ah ee dalkaas ka arrimiya uu mar kale fuliyay xukunno daldalaad ah, kuwaas oo lagu fuliyay dad lagu soo eedeeyay iney la shaqeynayeen sirdoonka maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka Muslimiinta ee reer Filastiin.
Xukuumadda Tehran ayaa xukunkaan daldalaadda ah ku fulisay 4 ruux o ay ku eedeysay iney geysteen howlo kharribaad ah, islaamrkaana ay xiriir la lahaaayeen sirdoonka maamulka Yahuudda ee Musad, xukunkaan ayaana kusoo aadaya wax ka yar 2 todobaad oo uu nidaamkaan shiiciga ah fuliyay xukunno kuwaan lamid ah.
Garsoorka xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ee ayaa shaaciyay in lagu fuliyay xukunka daldaaladda ah ee ka dhanka ah 4-taan ruux oo ay midi haweeney tahay, kuwaas oo lagu eedeeyay la shaqeynta iyo xog udisinta Kayaanka Suhyuuniga ah.
“Xilli aroornimo ah ayaa waxaa xukun daldalaad ah lagu fuliyay majmuuco ka kooban 4 xubnood, kuwaas oo lala xiriirinayo Kayaanka Suhyuuniga ah, islamarkaana ku kacay falal badan oo ka dhan ah ammaanka dalka, iyagoo towjiihaad ka qaadanaya masuuliyiinta Musad’ ayaa lagu yiri war kasoo baxay maxkamadda xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.
Wax ay sidoo kale sheegtay in xukunka daldalaadda ah uu ka dhacay magaalada Adarbijan ee dhacda woqooyiga galbeed ee dalka Iiraan, dadka lagu fuliyayna ay yihiin 3 rag ah oo lagu kala magacaabo Wafaa Hanaarah, Araam Cumari, Ibnu Barhazu, iyo haweeney lagu magacaabo Nasiim Namaazi.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay iney fasaad ka wadeen dalka, mudadii ay u shaqeynayeen kayaanka Suhyuuniga ah, sida ay sheegtay maxkamadda xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.
16 Bishaan December ayay aheyd markii magaalada Siistan ee caasimadda gobalka Bojolistan xukun daldalaad ah lagula fuliyay nin lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Yahuudda ee Musad, xilligaasi nidaamka Shiiciga ah ma bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan waxa uu yahay ninka la dilay, balse waxa ay sheegeen in loo heysto la shaqeynta sirdoonka Yahuudda, islamarkaana uu jaasuus u noqday masaalixda Kayaanka Suhyuuniga ah.
Isla bishaan waxa uu sidoo kale nidaamka Shiiciga ah ee ka arrimiya dalka Iiraan xukun daldalaad ah ku fuliyay 4 ruux, kuwaas oo iyagana lagu eedeeyay la shaqeynta sirdoonka maamulka Yahuudda.
Nimankaan sida Ay yahuuda sirdoonka udaldalaan iyo cabsida ay kurideen wxn kudareemay filim Layiraahdo #Tehran oo isla yahuuda ay jilayso, iiRaan Dunida muslimka ah waxba uguma-taalo Lkn mrky xanuunjiso sirdoonada yahuuda wn kufarxaa.