Maalinkii 87-aad oo xiriir ah waxaa Jiidda ka soconaya duqeymaha cadowtooyo ee uu maamulka Yahuudda ka fulinayo halkaas, kuwaas oo uu ku beegsanayo ehelkeenna ku dhaqan Qaza, iyadoo wali ay Jiidda martigalineyso iska hor-imaadyada culus ee u dhexeeya kooxaha Muqaawamada iyo ciidamada gumeysiga Yahuudda.
Tobannaan ruux oo horleh ayaa ku shahiiday duqeymo uu 24-kii saac ee lasoo dhaafay kayaanka Suhyuuniga ah ka fuliyay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Jiidda Qaza, kooxaha Muqaawamada Filastiiniyiinta ayaana habeenlii xalay sawaariikh badan ku garaacay Magaalada Tel-Aviv ee uu caasimadda ka dhigtay Maamulka Yahuudda.
Ugu yaraan 35 Ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqeymo uu maamulka Yahuudda 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyay magaalada Khaan-Yuunis, waxaana sidoo kale ka dhashay burbur xooggan.
Geesta kale Sawaariikh ayaa lagu garaacay magaalada Tal-Aviv ee uu caasimadda ka dhigtay Kayaanka Suhyuuniga ah, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo soo gaaray maamulka Yahuudda.
Wargeyska Yadiicoot Axranoot ee uu leeyahay Maamulka Yahuudda ayaa sheegay, in ku dhawaad 20 sawaariikh ah oo laga soo tuuray Jiidda Qaza ay ka dhaceen magaalada Tel-Aviv, iyadoo dhawaqa digniinta bixiya laga maqlayay guud ahaan magaalada.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dagaalka Qaza oo galay maalinkii 87-aad.