HomeAll newsDhageyso Al-Shabaab oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Heshiiska Itoobiya Lagu Siiyay Badda...

Dhageyso Al-Shabaab oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Heshiiska Itoobiya Lagu Siiyay Badda Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Raage, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayo warka kasoo yeeray dowladda Itoobiya ee ah in iyaga iyo maamulka Somaliland ay ku heshiiyeen in 20km laga siiyo badda Soomaaliya muddo 50 sano ah.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in aysan dhici doonin in Itoobiya ay qaadato taako kamid ah dhul badeedka Soomaaliya taasna uu dhiiggoodu ka sokeeyo.

Wuxuu heshiiskaas ku tilmaamay mid xaaraan ah oo ay ka dambeeyaan xubno uu ku sifeeyay murtaddiin, dabadhilifyo ah oo cadaawaha u shaqeeya.

Sidoo kale wuxuu digniin culus u diray Itoobiya taasoo daarran ineysan ku kadsoomin heshiisyada loo saxiixayo, Sheekh Cali Dheere ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay iney u istaagaan difaaca dalkooda, kana dagaalamaan xeeladda la doonayo in wadanka lagu qabsado, lana mid ah tii Yahuudu ku qabsatay Falastiin.

Halkan Ka Degso Shirka Jaraa’id Ee Sh Cali Dheere

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. As. All.
    Warka afahayeen dowlada dalka soomalia ee xaqqa ah ee afhayeenka sheek cali dheere sheegay waa ku laabqabowsaday saaka.
    Waa cadaatay diinta iyo dadka wax udanqanaya oon idinka ahayn majiraan.
    Dalka idinkaa leh, labilaabo januuti ilaa xamar. Dalka waxaa inoo ilaaliyey aabo yaasheen. Aaba yaasheen faras baa ugaadiid ahaa. caanaa iyo hilob baa uraashin ahaa. warran iyo falaar baa u qalab ahaa.
    cadowguna dalka kama qaadin. Maanta intay haystaaba oo qalab ah waa haysanaa ama waa heli . Waa lana dabar goynlahaa hadday mujahidiinta baraysan kick lahayn. Ubad keenu dibadhilif unoqon maayo ubadka xabashi. Muse, xasan sheek iyo Dani iyo inta kale dalkaan iyo dadkaan waa ladageen laguna soo gaarimaayo hay saa ku sii socoto.haddaba dalka waxaa kadhaqan intaad gacanta kuhaysaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular