HomeAll newsYuusuf Garaad: "Itoobiya waxay kala jareysaa koofur iyo waqooyi & xadka Soomaaliya...

Yuusuf Garaad: “Itoobiya waxay kala jareysaa koofur iyo waqooyi & xadka Soomaaliya & Jabuuti”

Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii arrimaha dibadda DF ayaa ka hadlay heshiis ku sheegga ay Itoobiya sheegatay in lagu siiyay badda Soomaaliya kaasoo ay dareen caro leh ka muujinayaan dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in tallaabadan ay halis weyn xambaarsan tahay, kana khatarsan tahay duullaankii uu Milleszinawi kusoo qaaday Muqdisho iyo xasuuqii uu maatida u geystay.

Yuusuf oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray in 20km ee uu Abiy sheegay in loo saxiixay, haddii ay ciidankooda keenaan bad ahaan iyo berri ahaanba in ay kala jarmi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wuxuu arrintan ku sifeeyay halis weyn oo maanta soo food saartay madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular