Mu’asasada alkataaib ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahisay muuqaal soconaya qadar 28 daqiiqo ah oo laga soo suubay Xafladda Qalin Jabinta Mucaskarka Sheekh Shariif Cabdinuur.
Muuqaalka ayaa ku bilaabanaya dhoolatus ay sameynayaan ciidamo qaatay tababar oo ka qalin jabiyay mucaskarka kuwaasi oo qoryaha fudud ku qalabeysnaa.
Waxaa xusid mudan oo muuqaalka kasoo muuqday Cullimo iyo odayaal garcas ah oo garasho iyo aqoon dheer uleh halganka iyo loolanka jihaadiga ah ee ka socda Soomaaliya
Dhoolo tuska kadib ciidamada ayaa si wacan udhageysanaya kalimad muhiim ah oo dhinacyo badan taabatay taasi oo uu jeedinayo Sheekh Abuu Cabdiraxmaan Mahad Warsame.
Sheykh mahadwarsame ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada udiyaar garowga jihaadka ka dhanka ah sihseeyaha iyo kuwa ay ku adeegtaan.
sheekh mahad warsame ayaa ugadbay oo soo hadal qaaday horumarka laga gaaray jihaadka socda iyo maraaxishii kala duwanaa ee lasoo maray.
Sheekh Mahad Warsame oo kamid ah mas’uuliyiinta xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa is dul taagay halka ay ku danbeeyeen xamalaadkii lagu soo waaday wilaayaadka islaamiga ah isagoo ifiyay waxa ay ku qotomeen socdaal dhowr ah oo uu galay xasan sheekh.
Dowlada federaalka ayaa sanadkii tagay dhamaadkiisa udabaal degtay cunoqabataynta hubka ee laga qaaday soomaaliya taasi oo lagu soo rogay kow iyo sodon sanno ka hor.
Abuu Cabdiraxmaan oo ka hadlayay Aragtidooda ku aadan hubka dowladda loo fasaxay ayaa carabka ku dhuftay in hubkaasi ay gacanta ku dhigi doonaa sida ay horayba ula wareegeen hub la siiyay ciidamada dowladda isagoo tusaale usoo qaatay ciidaamda mucaskarka dhameeyay oo lagu qalabeeyay hubkii ay ka furteen askarta dowladda.
Iyadoo todobaadkaan heshiis ka dhacay adis ababa Itoobiya lagu siiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya ayaa Abuu cabdiraxmaan ka hadlay damaca xabashida ee ku aadan xeebaha iyo dakadaha soomaaliya.
“Uma suurtagali doonto inay qabsadaan taako kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana kasoo ceshan doonNaa dhulka ay naga heystaan” ayuu yiri Abuu cabdiraxmaan.
Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa garab istaag iyo hiil umuujisay walaalaheen falastiin oo la kulmaya cadowtooyada Yahuuda iyo xulufadeeda oo uu ugu horeeyo maraykanka.
Halkan ka dhageyso Warbixin Ku saabsan kalimada Abuu Cabdiraxmaan.