Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan ka kooban sadax bog kaasoo looga hadlay heshiiska uu Abiy Axmad sheegay in lagu siiyay badda Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay tahay dowad cadaw ah oo mar walba dulmi iyo duullaan ku heysay Soomaaliya si ay u qabsato, waxaana lagu xusay in xilligan aan ku jirno ay dalka kusoo hogaaminayaan Xabashida siyaasiyiin lala meel dhigay “Abuu Rigaal” oo ah ninkii kacbada kusoo hogaamiyay gaalkii Xabashiga ahaa ee Abraha.
Bayaanka wuxuu xambaarsan yahay farriimo iyo digniino, waxaana uu si gaar ah ula hadlayaa bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamada DF.