HomeAll newsBarnaamij Gaar ah: Dibad bax Looga Soo Horjeedo Damaca Itoobiya ee Xeebaha...

Barnaamij Gaar ah: Dibad bax Looga Soo Horjeedo Damaca Itoobiya ee Xeebaha Soomaaliya oo ka Dhacay Kuunyo-Barrow.

Dibadbaxan oo ahaa mid ka dhanka ah Damaca Xabashida Itoobiya ay leedahay Badaha Soomaaliya, iyo Heshiis ku sheegii uu Muuse Biixi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland lagalay Abiy Axmad Ra,iisulwasaaraha Dowladda Itoobiya, ayaa Shalay ka dhacay Magaalada Kuunyo Barrow ee Gobolka Sh.hoose.

Banaambaxa waxaa kasoo qeybgalay Dad farabadan oo ay ka muuqato Carada ay uqabaan Dowladda Itoobiya ee rabta iney boobto Dhulkooda, waxaana halkaasi kalimaad kala duwan ka jeediyay Culimo Aqoonyahanno iyo Waxgarad kasoo qeybgalay Dibadbaxa, ayadoona ay Dadweynuhu ka hadlayeen Shucuurtooda.

Hadaba Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan, ayaa Habeenkii Xalay baahisay Barnaamij gaar ah oo lagu Soo qaadanayo Kalimaadkii halkaasi laga jeediyay, iyo Dareenka Caradaleh ee ay ka muujiyeen Bulshada Degaanka.


Halkan hoose ka degso ama ka dhegeyso Barnaamijka oo dhameestiran.

Barnaamij Gaar ah Dibadbax oo ka dhacay Degaanka Kuunyo Barrow

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular