Bulshada ku dhaqan magaalada Kuunyobarrow ee wilayaada Sh/hoose ayaa dhigay isku soo bax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan saxiixa beenta ah ee ay Xabashidu sheegtay in lagu siiyay badda Soomaaliya gaar ahaan badda cas.
Isku soo baxan oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay bulshada qeybaheeda waxaana ay soo bandhigeen dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin dulmiga Xabashida.