HomeAll newsIska Hor-imaadyo Sababay Khasaare Isugu Jira Dhimasho & Dhaawac oo ka Dhacay...

Iska Hor-imaadyo Sababay Khasaare Isugu Jira Dhimasho & Dhaawac oo ka Dhacay Xuduudda Urdun.

Ciidanka dowlada Urdun ayaa toogasho ku dilay 5 qof oo ay sheegeen in ay tahriibinaayeen daroogo, sidoo kalana ay xireen 15 kale, xili ay ka soo gudbayeen xuduud beenaadka kala qaybiya Urdun iyo Suuriya.

Bayaan ay soo saareen Ciidanka Urdun ayey ku sheegeen in ciidamadoodu ay dileen 5 mukhalasiin ah oo ka ganacsanayey daroogadda, 15 kalena ay nolosha ku qabteen. ka dib markii ay isku dhaceen kooxo hubaysan oo ka ganacsanayay maandooriyaha iyo ciidankooda kuwaas oo ku sugnaa xuduudka waqooyi ee Suuriya uu la wadaago Urdun, sida lagu sheegay bayaanka.

Sidoo kale, war rasmi ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidamada Urdun, ayaa lagu sheegay in intii uu socday howlgalka la dagaalanka daroogadda lagu soo qabtay “627,000 oo kaniiniga nuuca Captagon-ka ah, 3,439 xashiish ah, iyo qori nooca AK47 ah” intii ay socotay is-rasaasaynta ka dhacay xuduuda dhanka Waqooyi ee u dhexeeysa Urdun iyo Suuriya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Urdun aysan soo gaarin wax khasaaro ah inta uu socday howlgalka.

Ciidanka Urdun ayaa sheegay i iska horimaadyo hubeysan ay ka dhaceen xuduud beenaadka ay wadaagaan Urdun iyo Suuriya kuwas oo u dhexeeya mukhalasiinta tahriibiya daroogadda ee ka soo gudba dalka Suuriya.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay soo badanayeen mashaariicda lagu soo tabriibinayo islamarkaana lagu doonayo in  daroogada looga gudbiyo xadka dalkaas.

31-keedii December, ciidamada Urdun ayaa sheegay in ay wajahayaan waxa ay ugu yeereen “Xamalaad aad u daran ” oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada iyo tahriibinta hubka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular