Xogo horleh ayaa kasoo baxaya Dhulgariir xoggan oo ku dhuftay dalka Japan, tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ayaa gaartay 161qof, halkan 103qof la la’yahay. Sida ay sheegeen maamulka deegaanka (Nooto).
Dhulgariirkan oo awoodiisa lagu qiyaasay 7.5 ayaa sababay dhul go’ ay ku xigtay Tusunami ku dhufatay qeybo kamid ah dalkaas.
Waxaa ku dhaawacmay dhulgariirkaan ilaa iyo 560qof, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka deegaanka uu ka dhacay dhulgariirka.
Shaqaalada gurmadka degdega ah ayaa wada dadaallo lagu badbaadi goobaayo dadka lagu la’yahay dhulgariirka, Sidoo kale shaqaalaha ayaa gurmad u fidinaaya dadka dhibaatadu ka soo gaartay dhulgariirka.
Shaqaalaha samatabixinaya dadka dhibaatada ay ka soo gaartay dhulgariirka ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan haweeneey sagaashan jir ah oo ku hoos jirtay burburka hoostiisa muddo 5 maalmood ah.
Shaqaalaha ayaa la kulmayo culeyso dhanka cimilada iyo mowjado baraf ah oo ku dhuftay mandiqadda uu ka dhacay dhulgariirkaan geystay khasaaraha baaxadda leh.
Dhulgariirkan ayaa noqonaayo midkii ugu horeeyay ay ku dhintaan in ka badan 100qof tan iyo 2016 oo dhulgariir ku dhuftay Konfur galbeed dalka Jaban ay ku dhinteen 276 ruux.
Dalka Japan ayaa ah mid kamid ah dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan dhulgariirada soo laalabata.
Dalkaan ayaa Marti galiyay 2011 mid kamid ah dhulgariirada ugu khasaaraha badan waxaana ku dhintay dhulgariirkas sidoo kalana lagu wayay in ka badan 20kun oo qof.