HomeAll news4 Ruux oo ku Dhimatay Duqeyn uu Ruushku ka Geystay Dalka Ukraine.

4 Ruux oo ku Dhimatay Duqeyn uu Ruushku ka Geystay Dalka Ukraine.

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa ku waramaya in dowladda Ruushka ay duqeymo horleh ka geysatay gudaha dalkaas, kuwaas oo sababy khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhimatay duqeymo xooggan oo ay xukuumadda Moscow la beegsatay degaanno dhowr ah oo ku yaalla dalkaas, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Ukraine.

Duqeymaha ayaa saameeyay magaalooyin badan, waxaana maamulka magaalada Bilgorod ee dhacda xuduudda uu Ruushku la wadaago Ukraine laga soo xigtay in boqallaal ruux ay ka barakaceen magaalada sababo ku aaddan duqeymaha Ruushka.

Xukuumadaha Kiev iyo Moscow ayaa midba tan kale ku eedeyneysa iney dishay boqallaal ruux oo rayid ah, xilli dagaallada ka socda Ukraine ay sii xoogeysteen.

Taliska ciidmada cirka ee Ukraine ayaa sheegay, in dowladda Ruushka ay 51 Saaruukh usoo dirtay dhanka Ukraine, nidaamkooda difaaca hawadana ay soo rdeen 18 kamid ah sawaariikhdaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular