HomeAll newsWeerar Sababay Khasaare Dhimasho oo ka Dhacay Ismaamul Katirsan Kenya.

Weerar Sababay Khasaare Dhimasho oo ka Dhacay Ismaamul Katirsan Kenya.

Tiro dad ah ayaa lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan ka fuliyeen ismaamul katirsan Kenya.

Weerarkaan ayay dabley hubeysan ku qaadeen qoys ku sugnaa degaan katirsan ismaamulka Baringo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Ugu yaraan 3 ruux oo ahaa Nin, Xaaskiisa iyo wiil ay dhaleen oo 3 jir ah ayaa lagu dilay weerarkaan ka dhacay gudaha dalka Kenya, sida ay soo tabineyso warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Waxaa sidoo kale weerarka si dirqi ah kaga badbaaday 3 nin oo ka mid ah wadayaasha Mooto dhugdhugleyda, kuwaas oo degaanka ku sugnaa xilligii uu weerarka dhacayay.

Kooxaha hubeysan ayaa weerarka kadib isaga baxsaday halkaas, iyadoona dadka degaanka ay walaac ka muujinayaan weerarada nuucaan ah oo soo noq noqday, iyagoona sheegaya in xukuumadda Nairobi ay ku fashilantay sugidda amaanka dadkeeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular