Ku dhawaad 100 duqeymo ah ayaa lala beegsaday magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Yeman, kuwaas oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca, duqeymaha oo ahaa kuwa aan loo meel dayin ayaana beegsanayay goob waliba.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay duqeymahaan oo kor udhaafayay 70 duqeymo ah, kuwaas oo gilgilay magaalooyin badan oo katirsan dalka Yeman.
Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa sheegay, in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhinteen duqeymaha, ayna ku dhaawacmeen 6 kale, isagoona ku doodiyay ineysan jawaab la’aan ahaan doonin.
Dibad baxyo xooggan oo ay dhigayaan dadka rayidka ah ayaa ka dhacay magaalooyin waaweyn oo ku yaalla dalka Yeman, kuwaas oo ay ugu horreyso magaalada caasimadda ah ee Sanca.
Kumanaann ruux ayaa isugu soo baxay shaaricyada waaweyn ee magaalooyinka Yeman, kuwaas oo kasoo horjeeda islamarkaana dhaleeceyay duqeymahaan bahalnimada ah ee ay Mareykanka iyo Ingariiska kusoo qaadeen dalka Yeman.
Taxaalufka ay Mareykanka iyo Ingariiska hoggaamiyaan ayaa si toos ah iyo si dadban unaas nuujinaya Maamulka Yahuudda, weerarkan cusub ee ay Yemen ku qaadeen ayaa qeyb ka ah difaacidda Kiyaanka Sahyuuniga ee xoogga ku heysta dhulalka Muslimiinta ee Filastiin.