Dagaalka ay Yahuuddu ka wadaan Jiidda Qazza ayaa galay maalinkii 100aad oo xiriir, iyadoo boqol maalin kadib aaney muuqan wax guul milliteri ah oo ay xaqiijiyeen ciidamada noocyada kala duwan ee Yahuudda, taageeradana ka helaya dowladaha reer galbeedka oo ay ugu horeyso Maraykanka.
Hadafka ugu weyn ee ciidamada Yahuudda usoo qaadeen duullaanka soconaya maalinkii boqlaad, wuxuu ahaa in la burburiyo kooxaha wax iska caabinta ee kajira Jiidda Qazza, lana soo furto maxaabiista Yahuudda, sidaba uu horey u sheegay ra’iisul wasaaraha Yahuudda, Sahyuuniga lagu magacaabo Bin Yamin Natanyahu.
Horaantii duullaanka ciidamada Yahuudda, waxay ku billaabeen soo gelitaan xadidan oo ah gudaha Jiidda Qazza, kaaso qaatay 20 maalmood oo xiriir ah, ujeedka ciidamada Yahuudda ayaana u muuqday mid ay ku doonayaan iney ku tijaabiyaan awoodda wax iska caabin ee uga imaan karta Muqaawamada, kahor inta aney si rasmi ah ugu dhawaaqin howlgalka Qazza.
Halkan ka dhagayso Warbixin 100 Maalin dagaalka Qazza.
Dhagayso 100 maalin kadib dagaalka Qazza- Falanqeeye Yaasiin Xasan