Dowaladda Xabashida Itoobiy oo galaangaal Siyaasadeed ku leh gudaha DF, iyo Maamul Gobaleeyadeeda, ayaa Bilowday qorshe ah iney uyeero, Qaar kamid ah Dadka wadashaqeyntala leh ee kamid ah DF, halka kuwo halena ay usoo dirtay Saraakiil Ciidan oo iyada matalaya.
Qorshahan ayaa ah mid inta badan ku wajahan Maamul-gobaleedyadz, waxaana kamid ah meelaha ay Maalmihii lasoo dhaafay kawaday qorshahaan gobolka Gedo oo udhowa wadankeeda.
Itoobiya oo uu saameyn ku yeesheen Kacdoonkii ay sameeyeen Bulshada Soomaalida iyo Carada ka dhalay Ficilka ay ku dhaqaaday ee ka dhanka ah Jiritaan Umadda Soomaaliyeed, ayaa Magaalada Adib Ababa uga yeertay Gudoomiyayaasha Gobolka Gedo ee Hoostga Maamulka Jubblnad oo taabasan DF, waxayna soo siisay Awaamir.
Waxyaabah ay soo fartay Gudoomiyayaasha Degmooyinka gedo waxaa kamid ah, ineysan cadka ku nool Gedo sameyn dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan, Heshiis ku sheeggii ay kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo Xukuumadda Abiy Axmad.
Sido kale Itoobiya waxay Heshiis hoose la gashay, Axmad Madoobe oo ah Hogaamiyaha Maaamulka Jubbaland, oo horay ay sheegtay Itoobiya, iney iyadu kursiga ku fadhiisisay.
Axmad Madoobe kaliya ma ahane waxay Itoobiya Saraakiil iyada kasocda udirtay Maamul gbaleedyada kale ee dalka kajira, sida Putlnad iyo Koofurgalbeed, kuuwsoo ay kulamo la yeesheen Hogaanka ugu sarreeya Saraakiil kasocotay Dowladda Abiy Axmad, waxayna wararku sheegayaan iney jiraan heshiisyo hoose oo ay Itoobiya dhowaan la gashay, Qaar kamid ah Hogaamiyaasha Maamulka Goboleedyada.
Dhanka kale Warar laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya, in ciidamada Itoobiya ee ku sugan inta badan degmooyinka Gobolkaas ay dhufeesyo Horleh ka dhiseen Xerooyinka ay deganyihiin, kuwaasoo aan lagu arag 10-kii Sano ee lasoo dhaafay ,sida ay sheegayaan dadka Ku dhaqan Gobolka.
Waxaa kale oo ay xogaha laga helayo Gedo sheegayaan, in uu jiro fal kufsi ah oo Maamlmihii lasoo dhaaafay ay ciidanka Itoobiya kula kaceen ugu yaraan labo kamid ah Haweenka Muslimaadka ee ku dhaqan Gobolka, kaasoo ay ka dhalatay caro bulsho oo xoogleh, hase ahaatee Maamulka Usheegaya Itoobiya ee ka dhisan Gobolka uu Amar ku bixiyay, in hoos loo dhigo dhacdadan iyo waarka ku saabsan,
Wuxuu sheegay Maamulku, in la xallinayo Dadka Ehelka ah ee ay Dhibaatadu gaartay, Isagoo isku dayaya In uu qariyo tacaddiga ay ku kaceen ciidanka Itoobiya, Hase ahaatee Dadka deganka Gobolka ayaa caro horleh ka muujiyay Hadalkaasi.
Isku soo wada duuboo Dowladda Itoobiya ayaa si aan qorsooneyn faragelin ugu heysa DF, Sarafiirkeedu wuxuu dhex degan yahay madtooyada looga arrrimyo dowladda Fedaraalka, Maamul goboleedyadana waxay ula dhaqantaa sida in ay ka madaxbanaanyihiin DF oo ay iyadu hoostagaan, waxayna arrintaasi ku muujisay Ficillo dhowr ah oo ay mar hore kasameysay Wadanka Gudihiisa.
Dhawaan Xasan Sheekh oo ah hogaamiyaha DF wuxuu Sheegay, In Saraakiil Itoobiyaan ah, ay wareegayaan gobolada Soomaaliya, manajirto Tallaabo ay ka qaaday DF oo ay howshooda ayey wataan, Waxayna taasi Muujineysaa, Taagdarrida DF iyo halka ay Maanta mareyso.