HomeAll newsTaariikhyahan Carbeed Oo ka hadlay Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Taariikhyahan Carbeed Oo ka hadlay Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Dr Raaghib As-Sarajaani- Taarikhyahan Masaari ah.

Waxaa aad isku soo taraya hadal heynta la xiriirta heshiis ku sheeggii dhawaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaali land, kaasoo Itoobiya lagu siiyo qeyb kamid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.

Taariikhyahanka caanka ah ee lagu magacaabo Dr Raaghib As-Sarajaani, kana soo jeeda dalka Masar ayaa bartiisa Youtube-ka wuxuu soo dhigay muuqaal uu si faafaahsan kaga hadlayo damaca fog ee Itoobiya ee ku saabsan qabshasada Badda Cas.

Wuxuu ugu horeyntii Dr Raaghib As-Sarajaani sheegay in waxa Itoobiya ku riixaya iney qabsato Badda cas ay tahay iyadoo Juqraafi ahaan ah dal aan bad lahayn.

Wixii ka dambeeyay markii Ereteriya uu noqday dal ka madax banaan Itoobiya, oo ay iska xoreeyeen gumeysigii Xabashida itoobiya, ayuu dalkani noqday mid bad la’aan ah, taasoo keentay in markii dambe Itoobiyaanku xitaa iska iibiyaan maraakiibtoodii dagaalka, sida uu sheegayo Dr Raaghib As-Sarajaani.

Halkan ka dhagayso Warbixin hadalka Dr Raaghib As-Sarajani

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular