Waxaa sii xoogeystay colaadaha hubaysan ee ka holcaya gudaha wadanka Itoobiya kuwaas oo udhaxeeya ciidamada dowladda xabashida iyo jabhadaha kala duwan ee qowmiyadaha wadankaasi dega.
Loollankan oo hadda umuuqda in uu galay marxalad ka duwan middii hore waxaa ka dhacay dhimashada kumanaan ruux iyo barakaca boqolaal kun qof Itoobiyaan ah kuwaas oo lanool duruufaha qallafsan ee ay ka dhaxleen dagaalka ahliga ah.
Jabhadda mucaaradka Amxaarada ayaa dardar gelisay howlgalladeeda ay ku beegsanayso ciidamada federaaliga Itoobiya, wararka ka imaanaya gobolka Amhara ayaa sheegaya in isbuucan oo kaliya ladilay boqolaal askari halka boqolaal kale gacanta lagu dhigay ayna maxaabiis ahaan uhaysteen dagaalyahanada saliibiyiinta ah ee Faano.
Dhinaca kale gobolka Tigray ee waqooyiga itoobiya dhaca waxaa weli ka jirta musiibadii ka dhalatay dagaalkii labada sanadood socday, majaaco iyo cunto yar ayaa lagasoo sheegayaa gobolkan.
Hay’adda WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dad kabadan 210 qof ay udhinteen cuduro majaacada ka dhashaym gobolkan dadka deggan matacban beeraha sababa laxiriira dagaallada oo dhulka geliyay qalabkii ay wax ku beeran jireen sidoo kale waxaa ku dhuftay abaaro saameyn ba’an reeban.
Halkaan Ka Dhageyso Falanqeyn Dagaallada iyo Majaacada ka Taagan Itoobiya.