Wararka ka imaanaga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xaalad bani’aadanimo ay wali ka taagan tahay gobolka Tikre halkaasoo ay ku dhinteen boqollaal qof gaajo darteed.
Warbixin lasoo saaray ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dad gaaraya 400 oo qof ay gaajo ugu geeriyoodeen gobolka bishii lasoo dhaafay.
Sidoo kale warbixin dheer oo kasoo baxday TPLF ayaa waxaa lagu dalbaday in Abiy Axmad uu degaanka Tikre ka saaro ciidanka Eratariya iyo kuwa Amxaarada.
TPLF ayaa aaminsan in xaaladda bani’aadannimo ay qeyb ka yihiin ciidamadaas oo ay ku tilmaameen kuwa gardarro ku jooga degaankooda, kuwaasoo soo galay xilligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Tikre iyo xukuumadda Abiy.
Jabhadda TPLF ayaa ugu baaqday Abiy inuu dhaqan geliyo heshiiskii ay hore u gaareen iyagoo aad u dhalliilay ciidanka Eratariya.
Waxay warbixintooda kusoo dareen hadallo beer laxawsi ah oo ay kusoo jiidanayaan qowmiyadaha kale ee Itoobiya iyagoo ugu baaqay in ay u midoobaan cadawgooda oo ay ula jeedaan Eratariya iyo Soomaaliya.