Kooxo hubeysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay dalka Koofur Afrika ku dilay wiil Soomaali ah oo halkaas ganacsi ku heystay.
Raggan oo la sheegay iney burcad ahaayeen ayaa ganacsadaha ku dhex toogtay xaruntiisa oo ku taalla magaalada Cape town ee dalkaas.
Ganacsadaha oo ahaa nin aad u firfircoon ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud sidoo kalana lagu naaneesi jiray Maxamed Adeeroow.
Ehelada ganacsadaha ayaa sheegay in ay baxsadee burcadda falkan geystay, waxayna tilmaameen in ganacsaduhu uu qorsheynayay inuu dalka hooyo dib ugu soo laabto.