HomeAll newsTurkiga oo Sheegay Inuu Gacanta ku Dhigay Jawaasiis la Shaqeyneysay Sridoonka Yahuudda.

Turkiga oo Sheegay Inuu Gacanta ku Dhigay Jawaasiis la Shaqeyneysay Sridoonka Yahuudda.

Wararka kaimaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada buuliska dalkaas iyo kuwa sirdoonka ay qabteen 7 xubnood oo lashaqeenaysay  sirdoonka maamulka Yahuudda ee Musaad, kuwaas oo lasheegay in ay raadinayeen masuuliyiin katirsan kooxaha Muqaawamada Falastiiniyiinta oo ku sugan Turkiga.

Warbaahinta turkiga ee TRT ayaa sheegtay in ay  7 qof ee laqabtay ay abaabulayeen qorshe lagu raadinayo  mas,uuliyiin katirsan kooxaha muqaawamada Falastiin, ayna usuura gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidamada Boliska turkiga iyo kuwa  sirdoonka ayaa 2dii bishii janawarey oo ku beegan maalintii shalay shaaciyay in ay gacanta kudhigee in kabadan 30 qof oo basaasiin,ah kuwaas oo lashaqeeynyay  sirdoonka Yahuudda ee Muusaad.

Waa markii 2 aad oo Sirdoonka Muusaad ee yahuuda uu kufashilmo  gudaha dalka Turkiga isagoona baadi goob uga jiray mas,uuliyiinta kooxaha muqaawada oo lasheegay in ay halkaasi ku sugan yihiin.

Tallaabada ay qaaday dowladda Turkiga ayaa umuuqata mid ay isaga leexineyso indhaha caalamka, maadaama lawada ogyahay taageerada aan xadka laheyn ee ay xukuumadda Ankara siiso Kayaanka Suhyuuniga ah.

Turkiga ayaa cilaaqaad aad u wanaagsan la leh Maamulka Yahuudda, isagoona bixiya taakulada la siiyo ciidamada gumeysiga, laga soo billaabo kabaha buudkaa ah ee ay ku labisan yihiin ciidanka Sahaayinada ee ay ku dhibaateeyaan Muslimiinta reer Filastiin, illaa hubka iyo saanadda ciidan ee lagu xasuuqayo ehelkeenna ku sugan halkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular