HomeAll newsHoos Udhac Laga Dareemayo Suuqyada Lagu Iibiyo Xoolaha ee Magaalada Gaarisa.

Hoos Udhac Laga Dareemayo Suuqyada Lagu Iibiyo Xoolaha ee Magaalada Gaarisa.

Kadib roobab ka da’ay qeybo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee NFD kuna hoor jira gumeysiga dowladda Kenya, iyo barqaawo hareysay Mandiqadda ayaa lasoo sheegayaa in hoos udhac ballaaran laga dareemayo suuqayada lagu iibiyo xoolaha ee ku yaalla magaalada Gaarisa.

Suuqa oo ay ku ganacsadaan dad badan oo isaga kala yimid wadamo kala duwan, ayaa waxaa hadda lasoo sheegayaa in sidii hore ee loo iibsan jiray xoolaha aan iminka loo gadaneynin.

Inkastoo roobabkii Deyrta ee dhawaan sida weyn uga da’ay goballada dalka iyo dhulka Somaaliyeed ee ay xoogga ku heysayto dowladda Kenya ay geysteen khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, ayaa waxaa haddana lawada arkayaa nicmada iyo barwaaqada ka dhalatay roobka, iyadoo beeraleydu ay kol sii horreysay billaabeen tacbashada beerahooda, iminkana uxusul duubayaan gurashadooda, halka hoos udhac laga dareemayo suuqyada lagu iibiyo xoolaha.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Ganacsatada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular