HomeAll newsDhageyso: Midowga Africa oo Shaaciyay in 4,000 oo Askari oo Katirsan ATMIS...

Dhageyso: Midowga Africa oo Shaaciyay in 4,000 oo Askari oo Katirsan ATMIS ay ka Saarayaan Soomaaliya

Ciidamada shisheeye ee duulaanka ku joogay Somaaliya ku dhawaad 20 sano ayaa wali qorsheynaya ama ku hawlan sidii ay isaga huleeli lahaayeen guud ahaan wadanka, ka gadaal markii ay guulo wax ku ool ah ka keeni waayeen dagaalka daba dheeraadey ee ay kula jireen xarakada shabaab mudada wax ka yar 20 sano.

Hadaba soo duulayaasha ku midoobey ururka Midowga Afrika ayaa markale ku dhawaaqay in ay ka go’antahay soo gaba gabeynta howlgalka sanadada badan qaatay ee ciidamadiisu ay kawadeen Soomaaliya, ka gadaal markii ay ku fashilmeen dagaal muda qaatey oo ay la galeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Tani ayaa timid ka gadaal markii ay wafdi sare oo ah Ururku ay usoo direen Soomaaliya, iyagoona shaaciyay in dhammaan ciidamada Afrikaanta laga saari doono dalkan ay dagaallada soo duulayaasha daashadeen marka lagaaro 31 December 2024.

Madaxa xallinta khilaafaadka iyo siyaasadda ee guddiga amniga Midowga Afrika ninka lagu magacaawa Alhaji Sarjoh Bah oo socdaal ku tegay Muqdisho ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in wejiga 3aad ee dhimista soo duulayaasha ATMIS ay Soomaaliya ka saarayaan illaa 4,000 oo askari.

Halkaan Ka Dhageyso Xog Intaan ka Faahfaahsan oo ku Aaddan Qodobkaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular