Wararka ka imaanaya dalka Namibia ayaa ku waramaya inuu geeriyooday madaxweynihii dalkaas, kaas oo mudooyinkii lasoo dhaafaayba la daala dhacayay xanuun soo ridtay.
Madaxtooyada dowladda Namibia ayaa maalintii shalay oo Axad aheyd shaaca ka qaaday, in Xaaji Geingob oo ahaa madaxweynihii dalkaas uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Windhoek ee gudaha dalkaas.
Ninkaan oo muddo soo ahaa madaxweynaha Namibia ayaa ku geeriyooday da’da 82 sano, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan xukuumadda dalkaas.
Madaxweynaha geeriyooday ayaaa in muddo ah la daala dhacayay cudurka Kansarka, kaas oo ku jiray isbitaal halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad.
“Waxaan si murugo leh idinkugu war galinayaan geerida Xaaji Geingob oo ahaa madaxweynaha Namibia oo ku geeriyooday Isbitaalka Lady Pohamba, halkaas oo xaaladdiisa lagula tacaalayay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo war qoraal ah kusoo daabacay bartiise “X” ee horay loo oran jiray Twitter.
Tan iyo sannadkii 2014-ka ayuu ninkaan madaxweyne ka ahaa dalka Namibia, waxaana geeridiisa kadib isbitaalka soo buux dhaafiyay ehelkiisa.
Geingob ayaa ka hor inta uusan udhiman cudurka Kansarka waxa uu la ildarnaa dhibaatooyin caafimaad darro, sannadkii 2013-kii ayaa lagu sameeyay qalliin xagga maskaxda ah, sannadkii lasoo dhaafayna waxa uu qalliin dhinaca xididdada ah ku galay waddanka ay jaarka yihiin ee Koonfur Afrika.