Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaaa dab aad u xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kacay keymaha ku yaalla bartamaha dalka dhaca Latin America ee Chile, kaas oo geystay waxyeello kala duwan.
Ugu yaraan 51 ruux ayaa la xaqjiijiyay iney ku dhinteen dabka ka kacay Keymaha, masuuliyiin u hadashay xkuumadda dalkaas ayaana shaaca ka qaaday in tirada dhimashada ay suuragal tahay iney kororto saacadaha soo aaddan.
Qolyaha dab damiska ayaa dadaal ugu jira sidii ay ku damin lahaayeen dabkaan xooggan ee ka kacay Keymaha ku yaalla dalka Chile, kaas oo laga cabsi qabo inuu ku faafo magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ku yaalla.
Qeybo badan oo kamid ah hawada gobalka Falbaraasiyo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lasoo sheegayaa in qiiq iyo uuro madow ay isku shareertay, badiqn xooggan ayaana ka jirta mandiqadda oo la xiriirta dabkaan.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in magaalada loo tamashta tago ee Fina Del Mar kuna taalla gudaha dalka Chile ay kamid tahay goobaha uu sida aadka ah u saameeyay dabka.
Masuuliyiin katirsan xukuumadda dalkaasi waxay sheegeen in qolyaha gurmadka deg degga ah ay ku adag tahay iney tagaan goobaha ugu daran ee uu dabku saameeyay, taas oo ay suuragal tahay iney ku go’doonsan yihiin dad badan.
Saacado kadib waxaa mid kamid ah wadooyinka ku yaalla dalkaasi laga helay meydadka 5 ruux, taas oo tirada dhimashada ka dhigeysa 56 ruux, waxaana xilli waliba suuragal ah in khasaaruhu uu intaasi ka bato.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Chile ayaa saxaafadda u sheegay in xaaladda gobolka Falbaraasiyo ay tahay tan ugu nugul, musiibo tii ugu xumeyd tan iyo sannadkii 2010-ka ayuuna sheegay inuu dalku wajahayo, kolkaas oo in ka badan 500 oo ruux ay ku dhinteen dhulgariir ku dhuftay dalkaas.
Hoos ka Daawo Sawirrada: