HomeAll newsQowqaaz oo Noqday Saaxo ay ku Loollamaan Awoodo Caalami ah oo Mid...

Qowqaaz oo Noqday Saaxo ay ku Loollamaan Awoodo Caalami ah oo Mid Weliba Maslaxdiisa Gaarka Ahi u Xusul Duubayo!

Warbixin lagu daabacay website laga leeyahay dalka Ruushka, oo ka faallooda arimaha caalamka ayaa lagu sheegay in mandiqadda koonfurta Qowqaaz oo kamid ay  marti gelinayso loolan iyo siraacaad caalami ah oo ay ku tartamayaan awoodo caalami ah.

Warbixinta oo ay qoreen qoraayaasha kala ah Jisoon iyo Sergy ayaa lagu sheegay in saaxada Qowqaaz oo horey u ahayd goob maran oo uu Ruushku wuxuu doono ka sameysto ay hadda isku bedeshey fagaare caalami ah oo ay ku hardamayaan dowlado gobolka awood ku leh iyo kuwa caalami ah.

Dowladaha ay warbixintu xustay waxaa kamid ah dalalka Iiraan, Turkiga iyo Hindiya, iyadoo caalami ahaan marka loo hadlana ay kusoo biirayaan dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo kuwa kale oo katirsan ururka midowga Yurub.

Kahor inta aaney Hindiya soo caga dhigan koonfurta Qowqaaz, dowladda Pakistaan iyo Turkiga ayaa heshiisyo iskaashi la saxiiday xukuumadda Baako, sanadku markuu ahaa 2017-kii, 2021-diina saddexda dowladood waxay magaalada Isalamabad ku yeeshaan kulan ballaaran oo ay warti murtiyeedkii ay kasoo saareen ku sheegeen iney ku garabtagaanyihiin xukuumadda Aderbijaan oo xilligaas dagaal kula jirtay Armiiniya.

Marka laga hadlayo waxa cusleynaya xiriirka Aderbijaan iyo Hindiya, waa iyadoo xukuumadda Aderbijaan ay rumeystanahy in gobolka Kashmiir yahay gobol hoostaga dalka Pakistaan, si lamid ah Turkiga ayaa arinkaas aaminsan, waana mid kamid caqabadaha ku horgudban in Hindiya iyo Aderbijaan ay noqdaan labo dal oo saaxiibo ah mustaqbalka fog.

Si ka duwan Aderbijaan, dowladda Armiiniyah oo ay is hayaan Aderbijaan, waxay iyaduna saf kula jirtaa saddex geesoodka Hindiya iyo Iiraan, iyadoo taageersan hab dhaqanka dowladda Hindiya ay kula macaamileyso qadiyadda gobolka Kashmiir oo ah gobol ay leeyihiin dadka muslimiinta, dowladda hinduuska ahna tacadiyaad sanawaat dhirirsan ay ku heyso.

Hadda waxay dowladda Hindiya iskaashi xoog leh oo xaga ciidanka ah la leedahay dowladda Armiiniyah, waxayna buuxisay booskii dowladda Ruushka ay horey ugu jirtay.

Intii u dhexeysay sanadihii 2020-ka illaa 2021-ka, waxaa qiimeyn la sameeyay lagu sheegya in dowladda Ruushka ay Armiiniya siisay hub dhan 93% guud ahana taakulada milliteri ee ay dowladan heshay, tanina waxay muujineysaa heerka aan horey loo arag ee uu gaarsiisanaa iskaashiga labada dal.

Dhamaadkii sanadkii 2021-da, waxay markale dowladda Hindiya iyo Ruushka kala saxiixdeen heshiis horleh oo qeexaya in Moskow ay sii wado hubka ay ka iibineyso Armiiniyah, laakiin ballanqaadkan ayaa noqday mid dhalanteed ah oo ay adagtahay in la fuliyo, wixii ka dambeeyay markii dowladda Ruushka ay qaaday duullaankii ugu ballaarnaa sanadahan kaasoo ah dagaalka Ukraine.

Waxay tani keentay in Armiiniya ay raadiso cid buuxisa kaalintii ay ugu fadhisay xukuumadda Moskow, baadidii ka maqneydna waxay ka heshey New Delhi oo hadda noqday dal ay aad ugu tiirsantahay Armiiniya, marka lagu daro dalalka Iiraan, Turkiga iyo maamulka Yahuudda.

Marka wax lagu dhisto qiimeyn la sameeyay oo ku aadan halka uu la egyahay iskaashiga milliteri ee ka dhexeeya Hindiya iyo Armiiniyah, waxay warbixinnadu tilmaamayaan inuu ku kacayo adduun lacageed oo dhan 2 bilyan oo dollar.

Hubka ugu badan ee Arminiya ay ka hesho Hindiya waxaa kamid ah sawaariikhda iyo gantaallada loo adeegsado dabaabadaha, madaafiicda goobta, rasaasta noocyadooda kala duwan iyo xitaa sawaariikhda loo adeegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa migaga ee masaafo dhow duula.

Waxay sidoo kale noqotay Armiiniya dalkii ugu horeeayay ee tijaabiya nidaamka difaaca hawada ee Cakkaash, oo ah nidaam ay hirgelisya dowladda Hindiya, waxaana khubarada istiraatiijiyadda ee u dhashey dalka Hindiya ay tilmaamayaan in Armiiniya ay noqotay dalka dhaca koonfurta Qowqaaz ee kaalinta koowaad ka galay adeegsiga hubka ay farsameyso dowladda Hindiya, taasoo ka dhigeysa dalkan mid xiriir istiraatiijiyadeed oo fog la yeesha New Delhi.

Marka laga soo tago jaanibka hubka, waxaa jira mowduuc kale oo muhiim ah oo ay iska kaashan karaan Hindiya iyo Armiiniyah, waana marinka muhiimka ah ee Khaliijka iyo badda madow, Hindiya ayanaa u xusul duubeysa in wax soo saarkeeda ay ku xirto suuqyada waaweyn ee qaaradda Yurub, iyadoo sii amreysa Armiiniya, Joorjiya iyo dalal kale.

Tani waxay timid kadib markii dowladda Hindiya ay soo wajahday mashaakil la xiriira in wax soo saarkeeda ay gaarsiiso Yurub, sababo ku aadan mashaakilka ka dhex taagan Ruushka iyo reer galbeedka, maadaama Hindiya ay horey u adeegsan jirtay marinka Ruushka.

Marka laga hadlo galaangalka Hindiya ee koonfurta Qowqaaz, waxaa warbixinta uu daabacay websteikan laga leeyahay dalka Ruushka tilmaamayaa in Moskow aaney wax badan oo culees ah ka dareemeynin arintan, laba sababood awgeed.

Waa mida koowaade, dowladda Hindiya laguma tiriyo dowladaha siyaasad ahaan u raran reer galbeedka iyo Maraykanka, qulqulatooyin badan oo ka taagan aduunkana waxay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah, si kale haddii loo dhahana mucaskarka reer galbeedka iyo reer bariga waxay u dhowdahay kan reer bariga ee ay hogaaminayaan Ruushka iyo Shiinaha.

Sababta labaad ee keeneysa in Ruushku aanu ka walaacin is balaarinta Hindiya ee koonfurta Qowqaaz, waa iyadoo dowladda Hindiya taageero milliteri siineyso dalka Armiiniya, oo ah xaliifka keliya ee uu haatan Ruushka ku leeyahay ururka amniga wadajirka ah ee ay ku mideysanyihiin dowlado kamid ah jamhruuiyaatkii midowga Soofiyeet.

Qoraayaasha warbixinta qoray waxay rumeysanyihiin in Hindiya aaney ahayn dowlad tartan kula jirta Ruushka, ama ugu yaraan ka hor imaaneysa masaalixdiisa, si taasi ka duwan, waxay masaalixda labada dal u muuqdaan kuwa si wadajir ah ugu kulmayo meelo badan, tanina waa sabab kale oo xoojineysa wujuudka Hindiya ee koonfurta Qowqaaz.

Iiraan oo iskaashi weyn la leh Ruushka, waxay iyadana uga dhigantahay in Hindiya ay kusoo biirto laacibiinta aasaasiga ah ee fagaaraha koonfurta Qowqaaz, in dhaqaalaheeda uu aad u kordho, una xoogeysto, maadaama Hindiya ay Trenset kusoo noqoneyso dekadaha Iiraan iyo garoomadeeda.

Haddii dowladaha Turkiga, Pakistaan ay garabtaaganyihiin Aderbijaan, waxay ka dhigantahay in Hindiya ay kusoo biirto safka Armiiniya iney dheelitir ku sameyso awoodaha halkaas isku hayo, tanina waa mid ay soo dhaweneyso xukuumadda Iiraan oo iyada iyo Ruushkuba taageersanyihiin Armiiniya.

Haddii aynu imaano dowladda Turkiga, waxay dhankeeda walaac ka muujineysaa galaangalka Hindiya ee mandiqadda koonfurta Qowqaaz, sidaasoo ay tahana wax badan kama bedeli doonto awoodda ay ku leedahay mandiqadda, iyadoo weliba la ogyahay in ciidamo ay ka joogaan mandiqadda, kadib markii iskaashi xaga milliteriga ah la saxiixatay dalka Aderbijaan.

 

 

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular