Xilli uu dagaalka sokeeye ee ka holcaya wadanka Itoobiya uu lugta lasii gelayo marxalad xasaasi ah ayuu dalka isaga cararay mid kamida mas’uuliyiintii ugu caansanaa dowladda Itoobiya.
Gedu Andargachew oo ahaa madaxweynihii hore ee ismaamulka Amhara ahaana R/wasaare ku xigeen iyo lataliyaha amniga Qaranka ayaa iska dhiibay wadanka Biljamka ee qaaradda Yurub.
Warbaahinta maxalliga ayaa sheegtay in siyaasigan oo muddo ku dhow hal sano xabsi guri ku ahaa magaalada Addis Ababa uu si lama filaan ah uga baxsaday wadanka.
Gedu Andargachew oo lataliyihii amniga qaranka usoo noqday Abiy Axmed ayaa larumeysanyahay in uu kaalin weyn ku lahaa duullaankii ay dowladda itoobiya ku qaadday ismaamulka Tigray,ninkan ayaa gadaal ka riixayay siyaasaddii lagu miciya siibay hoggaanka kooxda TPLF.
Wasiirro iyo xubno katirsanaa xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa bilo ka hor dalka isaga cararay kadib markii ay isku dhaceen RW Abiy Axmed.