Warbaahinta islaamiga ah ee Alfurqaan waxaa xalay ka baxay barnaamij gaar ah oo lagu falanqeeyay dagaalada ka dhacay gobalka Mudug ee khasaaraha culus ugeystay ciidamada dowladda.
Barnaamijka waxaa ka qeybgalay Qaar kamid ah wariyayaasha Alfurqaan iyo waxgarad iyo odayaal dhaqan oo ku nool gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
inta barnaamijka uu socday waxaa la falanqeeyay dagaalkii Caad iyo Filimkii ay Alkataa’ib dagaalka kasoo saartay.
filimka waxaa kasoo muuqday ciidamada dowladda oo ka firxanaya saaxada dagaalka waxaana la is dul taagay sababta ay ciidamada dowladda ucararaan oo aysan udifaacan goobaha ay ka qabsadeen Alshabaab.