Qarax xooggan oo xaafadaha Degmada Diinsoor laga maqlay ayaa lala beegsaday ciidamada maamulka koonfur galbeed.
Qaraxa ayaa lala beegsaday fariisin Ciidamada ay ku leeyihiin gudaha degmada Diinsoor gaar ahaan meel u dhow xerada ciidamada Xabashida Itoobiya ay kaga sugan yihiin degmadaasi.
Qaraxaani ayaa waxaa ku dhintay Askari lagu magacaabi jiray Cusmaan Haafow, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 askari oo kale oo mid kamid ah lagu magacaabo Jiis Carabow.
Mas’uuliyada qaraxa waxaa sheegatay xarakada shabaabul mujaahidiin.
Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xili xalay la weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha iyo duleedka Baydhabo.