HomeAll newsWasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo Booqasho ku Tagay Dhulka Xarameynka.(Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo Booqasho ku Tagay Dhulka Xarameynka.(Sawirro)

Antony Blinken  oo ah Xoghayaha wasaarada arrimaha dibada ee Dowlada maraykanka, ayaa socdaal aan horay loosii shaacin kutagay Mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe, halkaas oo uu Mareykanku kaga jiro dagaal ka dhan ah Maleeshiyaaadka Xuuthiyiinta.

Magaalada Riyad oo ah caasimadda Maamulka Aala-Sucuud ayuu Bilinken kula kulmay dhaxal sugaha maamulkaas ahana Raysul wazaaraha dalkaasi ninka magacaabo Maxamed Bin Salmaan, iyagoona kawada hadlay arrimo dhowr ah.

Inkastoo waxyaabaha ay kulankooda kaga hadleen ay u badnaayeen xiisadaha ka taagan Badda Cas, ayaa waxay sidoo kale soo hadal qaadeen suuragalnimada heshiis xabad joojij ah oo dhex mara kooxaha muqaawamada iyo maamulka Yahuudda.

Muhiimadda ay arrintaan ka leeyihiin ayaa ah si cadaadiska looga yareyn lahaa Kayaanka Suhyuuniga ah oo wajahaya dhiigbax daran iyo fuuqbax dhaqaale, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu billawday howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada Yahuudda ku gaareysa colaadda ka taagan dhulka Filastiin ee ku hoos jira gumeysiga Sahaayinada, iyagoona aan tallaab u qaadin ka hadalka ama wax u qabashada Muslimiinta reer Filastiin ee ay Yahuuddu gumaadeyso.

Darafyada ku kulmay magaalada Riyaad ee kala ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka iyo dhaxal sugaha maamulka Aala-Sucuud ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo hakin lahaa weerarada xargaha goostay ee ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka geysanayaan biyaha Badda Cas, kuwaas oo lagu beegsanayo maraakiibta u raran Yahuudda iyo kuwa uu Mareykanku leeyahay.

Waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington ayaa bayaaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay, in weerarada maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay hoos u dhigeen xurriyadda socdaalka ee xeebaha Badda Cas, ayna qal qal galiyeen nabad galyada dalka Yeman.

Dalalka Qadar, Masar. Iyo Daanta-galbeed ee ku hoos jirta gumeysiga Yahuudda ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqasho ku tago xogyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waa safarkii 5aad oo uu wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka kutago Mandiqadda, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu billawday howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa ee ay kooxaha muqaawamada bishii October ee sannadkii tagay ku qaadeen maamulka Yahuudda, kaas oo illaa iyo iminka ka soconaya magaalada Qaza iyo guud ahaan dhulka Filastiin ee ku hoos jira gumeysiga maamulka Yahuudda.

Mareykanka oo kaalin weyn ku leh gummaadka lagu hayo ehelkeenna Qaza iyo guud ahaan dhulka Filastiin ayaa sidoo kale dadaal adag ku bixinaya nabad galyada maraakiibta iyo doomaha uraran Kayaanka Suhyuuniga ah, isagoo arrinkaa dartiis u sameeyay isbaheysi lagu difaacayo masaalixda Yahuudda.

Maamulka Aala-Sucuud ee khudlaamiyay ehelkeenna Filastiin ayaa dhulka Xarameynka kusoo dhaweynaya gaalada nuucyadooda kala duwan, iska daa inuu wax u qabto Muslimiinta dhibane waxa uu Maamulkaan Juhdi ku bixinayaa sidii loo ilaalin lahaa masaalixda Yahuudda, isagoona fasaad daran ka wada dhulka barakeysan ee ay ku yaallaan Muqaddasaadka ugu waaweyn Muslimiinta.

Hoos ka Daawo Sawirrada Kulanka Dhex Maray Bilinken iyo Bin Salmaan.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular