Horn Observer, oo ah wargeys ka faallooda arimaha qaaradda Afrika ayaa warbixin ka qoray muuqaal dhawaan uu baahiyay kanaalka Al-Kataa’ib Al-Ikhbaariyah, kaasoo lagu soo bandhigayo saanad ciidan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo furteen dagaalkii weynaa ee Caad.
Qoraaga warbixinta waxa uu muuqaalkii Al-Kataa’ib ku tilmaamay inuu ahaa muuqaal uu la qaban dhacyoonayo jirka, banaankana soo dhigaya raadadkii ka dhashey howlgalkii dhiiranaantu ka muuqatay ee dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen 24-kii January deegaanka Caad ee gobolka Mudug”.
Sida warbixintu tilmaameyso wuxuu muuqaalku soo bandhigayaa xajmiga uu la ekaa weerarka cagmarinta ahaa, iyadoona ay soo bandhigeyso Al-Shabaab hub ku fadhiya malaayiin dollar oo ay kula soo wareegtay weerarka, kaasoo ay ku qaaday guutooyin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaalida iyo malleeshiyaadka la shaqeeya.
Horn Observer, wuxuu tilmaamayaa in waxa layaabka iyo amakaaga leh ay tahay in hubka ay Al-Shabaab kula wareegeen dagaalkii Caad, muuqaalkana lagu soo bandhigayo ay kamid yihiin hub casri ah oo dhawaan dowladda Maraykanka ay ku wareejisay ciidamada DANAB oo ah askar ay tababarkooda iyo maalgelintoodaba leedahay dowladda Maraykanka.
“ Baalatooyinka RBG-ga, hoobiyaasha noocyadooda kala duwan, PKM-yo darandoori u dhaco, qoriyaasha boobayaasha ah, madaafiicda, qoriyaasha G3 oo ay dhawaan ku deeqday dowladda Turkiga, iyo rasaas tijrobeel ah ayay dagaalyahannada Al-Shabaab kusoo bandhigeen mandiqad furan oo baadiye ah” ayaa lagu yiri warbixinta cusub ee uu daabacay wargeyska Horn Observer oo ka faallooda arimaha Afrika.
mid kamid ah maxaabiista lagu soo bandhigay muuqaalka ay baahisay Al-Shabaab, laguna soo bandhigay dagaalkii Caad, waxay warbixintu tilmaameysaa inuu ka marqaati kacay inuu tababar ciidan kusoo qaatay xerada Turksom ee magaalada Muqdisho.
” Wuxuu weerarkii Caad soo bandhigayaa dhoolatuska ay sameeyeen xoogaga dhiiranaantu ka muuqato ee Al-Shabaab, tani oo dhalineysa in su’aalo la iska weydiiyo heerka waxtarka mashruuca la dagaalanka argagaxisada ee mandiqadda” ayuu leeyahay Horn Observer.
Inakstoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sheegatay in dagaalkii Caad ee safmareenka ahaa ay ku dishey inkabadan 200 oo askari, hadana website-ka warbixinta qoray oo soo xiganayo saraakiil amni oo diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado waxay sheegayaan in dagaalkaas lagu dilay 190 askari oo ku sugnaa ugu yaraan 4 saldhig oo ku yaalay deegaanka.
“ Weerarkii aroornimo ee aadka u cuslaa ayaa ku billowday xoog ku gal, waxaana xigay in rasaas culus ay rideen dagaalyahannada Al-Shabaab, waxa cabsida beeraya ayaana ah in guutooyinka naftood huriyaasha ay qeyb ka yihin istiraatiijiyadda adag ee dagaalyahannada hubeysan” ayuu leeyahay mowqica Honr Observer oo qoray warbixintan.
Wasaaradda gaashandhiga ee Dowladda federaalka ayuu website-ku tilmaamay iney ka gaabsadeen bixinta wax macluumaad ah oo ku aadan weerarkii Caad, taasoo dhalineysa su’aalo horleh oo ku aadan xaqiiqda waxa halkaas ka dhacay.
“ In laga hortago naftood huriyaasha, lana hor istaago gawaarida ay wataan iney kasoo gudbaan difaacyada ayaa ah taxadiga ugu weyn eek u horgudban ciidamada Soomaalida ee kusugan deegaannada furan ee baadiyaha” ayay leeyihiin saraakiil la hadlay webka.
Ugu dambeyntii, waxaa warbixinta lagu daabacay wargeyska Horn Observer ay soo hadal qaadeysaa qaraarkii dabayaaqadii sanadkii hore ee 2023-da kasoo baxay golaha ammaanka, kaasoo cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, taakulada milliteri ee reer galbeedku siinayo Dowladda Federaalka ee uu dillooday musuqa ayaana la iska weydiinayaa su’aalo la xiriira heerka waxtar ee ay leeyihiin taakuladaas.