Filim ama Muuqaal ay Galabta baahisay qaybta Akhbaarta ee Musasada Alkataaib oo ah garabka War baahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu Muujiyay Dagaal ka dhacay Gobalka Hiiraan kaasoo dhex maray Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwo ka tirsan Maamulka Hirshabelle.
Meydka askeri ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah oo Dagaalka lagu dilay ayaa la arkayaa kaasoo dhiig badan ku yaal maadaama xabado badan sida muuqata ku dhaceen.
sidoo kale muuqaalka waxaa lagu daawnayaa Gaari Qooqan ah iyo laba qori oo mid daba jeex yahay kan kalena aake yahay iyo qalab kale oo uu ku jiro qalabka ciidmadu iskula hadlaan ee foonayaha loo yaqaan.
Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka Degaanka Far-libaax ee Magaalada Beled weyne ka jira jihada Galbeed waxaana Guushu ku raacday Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Kaarka aqoonsiga ee Mas’uul ka tirsan Maamulka Kobalka Hiiraan ayaa ka mid ah waxyaabaha Muuqaalka lagu soo bandhigay taasoo muujineysa in Dagaalka niman Madax ah ka bad baadeen.