HomeAll newsNusratul Islaam oo Weeraro Khasaare Dhaliyay Ka Fulisay Maali iyo Nigeria.

Nusratul Islaam oo Weeraro Khasaare Dhaliyay Ka Fulisay Maali iyo Nigeria.

 

Wararka ka imaanaya dalalka Maali iyo Nigeria ayaa ku waramaya in Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ay halkaasi ka fuliyeen weeraro cusub oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maal intaba.

Weerarka koowaad oo ahaa mid dhabbo-gal ah ayaa waxay Mujaahidiinta ka fuliyeen dalka Maali, kaas ay ku beegsadeen askar katirsan xukuumadda Maali.

Weerarkaan oo dhacay maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo katirsan askarta xukuumadda Maali oo ku socdaalayay inta u dhexeysa Mandiqadaha Jiima iyo Karifor ee katirsan gobalka Kaayis ee dalka Maali.

War kooban oo kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa lagu sheegay, in weerarkaan lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo katirsan xukuumadda Maali, Sidoo kale waxay Mujaahidiinta sheegeen in weerarkaan lagu soo furtay mid kamid ah gaadiidka dagaaalka, hub nuucyo kala duwan leh iyo sanaadiiq rasaas ah.

Isla Maali waxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ka fuliyeen weerar kale oo kamiin ah, kaas oo lagu beegsaday Maleeshiyaad katirsan Muratazaqada Fagnar ee uu Ruushku taba bartay.

Weerarkaan oo ahaa mid Kamiin ah ayaa waxay Mujaahidiintu la beegsadeen askar katirsan Maleeshiyada Fagnar oo ku socdaayay qeybo kamid ah wilaayada Mobiti ee dalka Maali, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Waxay Mujaahidiintu xaqiijiyeen in weerarkaan lagu dilay ugu yaraan 3 kamid ah calooshood-ushaqeystayaasha Fagnar, halka kuwii kalena ay caga wax ka dayeen, waxaa intaa dheer oo ay Mujaahidiintu weerarkaan kurteen hub iyo agabyo mellatari.

Marka laga yimaado dalka Maali, waxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin weerar qarax ah ka fuliyeen dalka Nigeria, kaas oo lagu beegsaday gaari ciidan.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay degaan katirsan Mandiqadda Talaabeeri ee dalka Nigeria, waxaana gabi ahaanba burburay gaariga uu qaraxu haleelay, iyadoona ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen wixii saarnaa.

Maalmihii lasoo dhaafay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka qaaradda Africa ayaa sare u qaaday weerarada ay ka geysanayaa wadamada dhaca saxaraha iyo saaxilka Africa, iyagoona camaliyaadkooda gaarisyay wadamo horleh oo ku yaalla Mandiqadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular