Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta Degaanka Ceelwareegow oo u dhaxeeya Marka iyo Lambar lixdan Qaraxyo kula Beegsaday Ciidamo ka mid ah kuwa ku jooga Magaca Midowga Afrika iyo Saraakiil cadaan ah waxaana la xaqiiyay in Gaari gaashaaman oo Saraakiisha Caddaanku saarnaayeen qaraxyada midkood haleelay.
Sarakaiisha Caddaanka ah ayaa xogtu sheegeysaa in ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay waxaana qaraxu si daran u bur buriyay gaarigi ay saarnaayeen.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in Marka laga soo tago saaraakiisha Caddaanka ah ee la socoatay ay sahay u sideen Ciidamo kale oo isla kuwa shisheeye ka tirsan.
Qaraxyada kadib Ciidanku waxa uu ku qasbanaaday in uu bartii wax ka dhaceen ku hakado iyadoo askarta mid waliba qoriga oo u cabbeysan oo xabadka dhulka ku hayo si uu isaga difaaco hadii ay mar kale soo weeraraan Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana sii kordheysa cabsida ciidmadaan Shisheeye dareemayaan.
Sidaan oo kale marar kala duwan waxay Ciidamada Xarakada Shababul Mujaahidiin qaraxyo la beegsadeen qaarka midiah Ciidamada Shisheeye oo Caddaan iyo madow ba leh waxaana la laayay qaar ka mid ah halka kuwo kalena la dhaawacay.
Radioalfurqan.net