HomeAll newsDagaallo ka dhacay goballada shabeellaha hoose,Bay iyo Jubada Hoose.

Dagaallo ka dhacay goballada shabeellaha hoose,Bay iyo Jubada Hoose.

Dagaallo udhaxeeyay ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin iyo kuwa dowladda ayaa xalay iyo shalay ka dhacay goballada Shabeelada hoose,Bay iyo Jubada Hoose

Ciidamada mujaahidiinta ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday  xerada Ciidamada shisheeye iyo saldhiga Ciidamada dowladda ee degmada Janaale shabeellaha Hoose.

Dhawaqa rasaasta la is weedaarsaday ayaa laga maqlay meello ka baxsan Janaale.

Baay

Ciidamada Alshabaab ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday xerada ciidamada maamulka koonfur galbeed ee deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhabo.

Jubooyinka

Ciidamada mujaahidiintu waxay shalay weerar culus ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada jubbaland kuwaasi oo ay hawada ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanka.

Dagaalkan ayaa si gaar ah ka dhacay inta udhaxeysa deegaanada Bargalle iyo Yaaq Dabeyl.

goobta waxaa kusoo dagay laba diyaarad oo halkaasi ka daabulay meydadka iyo dhaawacyada ciidamada jubbaland.

Sidoo kale Ciidamada mujaahidiintu waxay shalay madaafiic ku garaaceen xero ciidamada Soomaalida ku leeyihiin deegaanka Buula gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular