Tafaasiil Dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo khasaare dhaliyay oo maalintii shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii askar katirsan maamulka Jubbaland ay isku dayeen iney dhibaatooyin u geystaan dadka ku dhaqaan degaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo, balse waxay dagaallo adag kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa dhanka hawada ka taageerayay diyaaradaha dowladda Mareykanka, hasa yeeshee uma suura galin qorshihii ay damacsanaayeen ee ahaa dhibaateynta dadka Muslimiinta ah.
Dagaallo culus oo ku qabsaday inta u dhgaxeysa deegaanada Bargalle iyo Yaaq Dabeeyl ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ciidamadaan lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 6 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaallada, halka lagu dhaawacay 8 kale.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa duleedka magaalada Kismaayo ka dhacayay dagaallo culus oo lagu dhiig bixiyay ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana dagaalladaasi lagu dilay tobannaan askari.
Dhinaca kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar qarax ah ka fuliyay qeybo kamid ah gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaaliya.
Qaraxa ayaa waxay Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen askar katirsan kuwa DF oo ku sugnaa gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay qaraxaasi, ayna ku dhaawacmeen 2 kale.