Paul Mackenzie oo ahaa Baadari ay 9 bilood kahor xabsiga dhigeen Ciidamada Booliska Kenya, kadib markii ay kasoo qabteen qeybo kamid ah dalkaas ayaa xilligan wajahaya, 191 kiis dacwadeed oo isaga ka dhan ah, kadib markii uu sabab unoqday in dad badan oo uu been usheegay ay baahi udhintaan.
Baandarigan ayaa joogay Kaniisad lagu magacaabo Good News International, wuxuuna dadka kusoo booqda Kaniisadda usheegi jiray, iney kasoomaan Cuntada iyo Cabidda, wuxuuna sido kale intaas ugu deri jiray in haddii ay si sidaasi ku dhintaan ay la kulmi doonaan, Nabi Ciise عليه السّلام oo ay Caabudaan.
Wuxuu arrintan ugu sheegay iney cibaado tahay, haddii ay sidaasi ku dhintaanna ay geli doonaan Jannada, waa sida uu hadalka udhigaye.
Ninkan Baadariga ah, ayaa sabab unoqday iney dad oo aaminay warkiisa gaajo udhintaan, wuxuuna qof waliba oo geeriyooda meydkiisa ku qarin jiray meel beer ah oo uu isagu lahaa sida ay sheegeyso warbaahinta, taasoo markii lagasoo qabtay kadib meydadka laga soo faagay.
Mar lawareystay Paul Mackenzie ayuu sheegay, ineysan xaq ahayn dadkani iney sii noolaadaan, wuxuuna ku andacooday in fasaadkii uu kusoo batay dunida, goobaha waxbarashadana lagu baro, falka liwaadka.
Baadarigan ayaa haatan wajahaya kiis dacwadeed dil ah sida ay warbaahintu tebineyso, waxaana la sheegay in loo heysto, eed la xiriirta in kabadan 400 meydad ah oo laga helay, kaymo uu ku duugi jiryay dadka baahida udhinta.
Waxaa jir dad kale oo Ninkan xabsiga kula jira, kuwaasoo iyagana lagu soo eedeeyay iney kala shaqeynayeen falka uu ku kacay.