Mujaahidiinta Al-Qaaicda ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa si adag uga hortagay, Xamlo ay Maleeshiyaadka Murtazaqada Xisaamul Amni kusoo qaadeen degaanno lagu maamulo Shareecada Islaamka oo ku yaalla gobalka Abyan ee dalka Yeman.
Maleehsiyaadka Imaaraatka daacadda u ah ee Xisaamul Amni ayaa isku dayay iney weeraro kusoo qaadaan Mandiqadda Waadi Al-Rafad oo dhacda gobalka Abyan, balse waxa ay la kulmeen wax aysan filneynin.
Ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ayaa ka hortagay weerarka, waxayna dagaallo culus la galeen Murtazaqada Xisaamul Amni, kuwaas oo sababay in maleeshiyaadka la jabiyo, islamarkaana saacado dagaal ah kadib ay isaga cararaan goobihii lagu dagaallamay.
Intii ay socdeen iska hor-imaadyada waxaa qarax culus lala beegsaday Maleeshiyaadka Xsaamil Amni, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay Mujaahidiinta ayaa Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa lagu sheegay, in qaraxa lagu dilay saxafi kairsanaa Maleeshiyaadka Murtazqada Xisaamul Amni, kaas oo lagu magacaabo C/Kariim Al-Cabaadi.
Mujaahidiintu waxa ay sheegeen iyo ninkaan la dilay isagoo ku guda jira duubista weerarka ay maleeshiyaadka Murtazaqada Xisaamul Amni kusoo qaadeen Mandiqadda katirsan gobalka Abyan.
Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa si adag uga hortagay xamladii ay sannad ka hor soo qaadeen Maleeshiyaadka daacadda u ah Imaaraatka ee Xisaamul Amni, waxaana ay duullaankaan ku waayeen saraakiil muhiim ah, iyagoo jab culus dhabarka ku sita ayayna ku laabteen halkii ay kasoo duuleen.