Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay goordhow soo saartay waxay ku faafaahisay weerar xoog ku gal ah oo ay ka fulisay mid kamid ah saldhigyada ciidan ee Imaaraatku ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Weerarka Inqimaasiyadda ayaa ka dhacay xerada Goordan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taasoo ah saldhiga ugu weyn ee Imaaraatku ku leeyahay Muqdisho, waxaana halkaas lagu gumaaday saraakiil muhiim ah.
Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sheegatay in weerarkan ay ku dishey ugu yaraan 17 sarkaal oo isuga jira Imaaraat iyo calooshood u shaqeystayaal ay ku adeegato Imaaraatka Carabta.
Taliyihii ugu sarreeyay howlgalka Imaaraatka Carabta ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taliyihii Tababarada ciidamada, Taliyihii sirdoonka, Taliyihii Saadka iyo Gaadiidka iyo saraakiil kale ayaa kamid ah saraakiisha caawa lagu dilay howlgalkan ka dhacay Muqdisho.