Howlgal xoog ku gal ah oo dhaliyay khasaaro badan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Howlgalkan Inqimaasiga ah oo ay fuliyeen Ciidamada Mujaahidiinta ayaa lagu beegsaday saraakiil Imaaraat ah oo ku sugnaa Xerada Gordan ee Muqdisho.
Col. Maxamed Mubaarak oo ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamada Imaaradka ee Muqdisho ku sugan ayaa kamid ahaa saraakiisha ku dhintay Howlgalka oo ay sheegatay xarakada Alshabaab.
madaxweynaha dowladda federaalka Xasan sheekh ayaa si degdeg ah kaga hadlay weerarka lagu qaaday Xerada Gordan.
Qoraalka uu ku daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ayuu Xasan ku canbaareeyay weerarka isagoo ku baaqay in la baaro weerarka lagu laayay saraakiisha udhashay imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha dowladda ayaa tilmaamay saraakiisha la xasuuqay inay qeyb ka ahaayeen saraakiil tababar siinayay ciidamada dowladda.
Dhanka kale dowladda Imaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku qiratay inay saraakiil ku weyday howlgalkii Mujaahidiintu ay ku qaadeen xerada Gordan ee Muqdisho.