Falkan kufsiga ah ayaa habeen hore xilli saqdhexe ah waxa uu ka dhacay waaxda sadaxaad ee degmada kaxda kadib markii uu u galay reer kamid ah danyarta barakacayaasha ah.
Askariga oo lagu magacaabo deeqow ayaa ninkii indhaha ka xiray kadib wuxuu isku dayay inuu kufsado xaaskiisii laakin haweeneydii ayuu iska caabin kala kulmay, kadib wuxuu ku dhaawacay beynaad, sidaas ayayna ugu suura gashay inuu kufsado.
Askariga oo kamid ah ciidanka boliis kilataaro ee hoos taga imaaraadka carabta ayaa shalay galab lagu xeray saldhigga galbeed ee degmada Dharkeenley sida ay saraakiil u xaqiijiyeen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga.
Haweeneyda la kufsaday ayaa la geeyay goobo caafimaad waxaana la xaqiijiyay in la kufsaday iyadoo la baxnaaninayo dhaawaca oo uga yaalla mid kamid ah gacmaheeda.
Dhacdadan aadka u foosha xun ayaa laga hadal hayaa degmooyinka Kaxda iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
Kufsiga haweeneyda waxaa soo muujiyay dhaawaca loo geystay, waxaana aad u badan haweenka ay kufsadaan ciidankan Imaaraatka ee la aamusay dhibtooda.
Xildibaan lagu magcaabo Cali Xaaji Daahir ayaa shalay saxaafadda kula hadlay xarunta baarlamaanka Muqdisho horteeda wuxuuna sheegay in kufsiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ee maalmahan sida xawliga u socda ay yihiin kuwa lasoo maleegay oo ay ka dambeeyay jihooyin uu tilmaamay iney doonayaan in ay dib usoo celiyaan xeerkii qowmuluudka ee Genderka iyo kuwii lamidka ahaa.