HomeAll newsToogasho Khasaare geystay Oo ka dhacday dalka Mareykanka.

Toogasho Khasaare geystay Oo ka dhacday dalka Mareykanka.

 

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Toogasho ah oo lagu qaaday Kaniisad ku taalla gobal katirsan dalka Mareykanka, taas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo si gaar ah kaga dhacay Kaniisad ku taalla gobalka Texas ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 2 ruux oo kamid ah dadkii goobta ku sugnaa.

Haweeney hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas oodda kaga qaaday dad ku sugnaa Kaniisad ku taalla magaalada magaalada Houston ee gobolka Texas, ciidamada Boliska ayaana ugu dambeyn toogtay haweeneyda weerarka fulisay.

Taliyaha boliska ee magaalada ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegatay, in haweeneyda oo da’deedu tahay 30 jir ay iyadoo jaakad iyo boorso wadata islamarkaana ku hubeysan 2 qori ay soo gashay Kaniisadda, waxaana wehlinayay canug yar oo ay wadatay sida uu xusay taliyaha.

Waxa uu intaa ku daray ku daray in 2 kamid ah saraakiisha boliska ay rasaas oodda kaga qaadeen haweeneyda, taas oo sababtay ineysan nolol dhulka la dhicin, halka gabar yar oo ay wadatay da’deeduna tahay 5 jir uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa kala ah nin 57 jir ah oo ay xabadda ka haleeshay lugaha, iyo canug yar oo ku sugnaa Kaniisadda.

Illaa iyo hadda bolisku ma aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan haweeneyda weerarka fulisay iyo waxyaabaha ku kallifay intaba, balse waxay sheegeen iney wadaan baaritaan ku aaddan falkaan.

Waxaa xusid mudan in Kaniisaddaan uu leeyahay Baadarri caan ah, waxaana isbuuc waliba xaadira ku dhawaad 45,000 oo ruux oo Kirishtan ah, taas oo ka dhigan iney tahay Kaniisadda 3-aad ee ugu weyn dalka Mareykanka, sida uu sheegay machadka Hartford.Dalka Mareykanka waxaa joogto ah weerarada Toogaashooyinka ah ee ay geysanayaan dadka u dhashay dalkaas iyo kuwa kaleba, kuwaas oo gallaafta nolosha kumannaan ruux oo American ah, halka ay dhaawacyo halis ah kasoo gaaraan kumannaan kale.

Xukuumadda Washington oo marar badan isku dayday iney xakameyso arrintaan ayaa ku fashilantay, kadib markii ay xisbiyada ka dhisan dalkaasi isku maan dhaafeed qorshaha ay soo jeedisay xukuumadda ee ku aaddan in lagu mamnuuco heysashada hubka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular