Maalintii Shalay Askari katirsan DF ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay Magaalada Muqidhso ee caasimadda soomaaliya.
Dilka wiilka dhalinyarada ah kahor, waxaa muran uu soo kala dhexgalay askar katirsan DF iyo willka, waxaana dhacday in mid kamid ah askarta uu madaxa xabad kala dhaco wiilka, taasoo sababtay inuu ku geeriyoodo isla goobtii ay kula dhacday.
Askariga ayaa markii uu dilka geystay kadib isaga baxsaday goobta uu falku ka dhacay.
Meydka wiilka ayaa in muddo ah yiilay halka lagu dilay, iyadoo dadku ay ka baqayeen in loo qabsado iyaga haddii ay taabtaan, waxayna arrintani muujineysaa, halka la gaarsiiyay Bulshada Muqdisho, iyo Naxariistii dadka Muslimiita ah dhextiil halka ay mareyso.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay askarta DF dil ka geystaan Magaalada Muqidsho.