Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fuliyeen weeraro kala duwan oo ka kala dhacay bariga iyo koonfurta Soomaaliya, iyo dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.
Weerarka ugu horeeya wuxuu ahaa qarax xoogan, kaasoo ka dhacay inta u dhexeysa Shalambood iyo Danow oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada Uganda.
Dhanka bari, weerar qarax ah ayaa lala eegtay gaari xamuul ah oo sahay u siday ciidamada maamulka Puntland, kaasoo marayay wadada xiriira Boosaaso iyo Galgala, waxaana halkaas ku burburay gaariga, iyadoo ay jirto waxyeello kale.
Mandera, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen deegaanka Karo ee gobolka Mandheera, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Kenya.
Ciidamada Kenyaatiga ayaa cagaha wax ka dayay markii ay ka warheleen in deegaanka ay soo galeen rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay dab qabadsiiyeen xarunta shirkadda Safaricom oo ah shirkad isgaarsiineed oo ay leedahay dowladda Kenya.