Hay’adda Ammaanka Badda ee Ambry ayaa sheegtay in Markab Xamuul ah oo ay leedahay Shirkad laga leeyahay dalka Giriiga isla markaana uu ka babanaya Calanka Jaziirada Marshal lagu weeraray xeebaha Badda Cas.
Wakaaladda Ambry ayaa intaasi ku dartay in macluumaadka ay heshay ay tibaaxayaan in markabka xamuul uu la kulmay 2 weerar oo sawaariikh loo adeegsaday, kuwaas oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay.
Hay’adda hawlaha ganacsiga badaha ee dalka Ingariiska ayaa ku dhawaaqday, in ay heshay warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday markab marayay meel 40 mile koonfurta ka xigta magaalada Mukha ee dalka Yemen.
Illaa 2 gantaal ayaa la xaqiijiyay in lagu weeraray markabkaan, balse waxaa lasoo sheegayaa inuusan waxyeello ugeysan howlwadeennadiisa, islamarkaaana uu iminka ku wajahanyahay halkii loogu tala galay.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa xeebaha Badda Cas gaar ahaan Yeman ka dhacayay silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday maraakiib isticmaaleysay xeebahaas, taas oo sababtay in sharikado badan ay ka fogaadaan isticmaalka marinnadaan, iyagoona taa badalkeeda doortay wadooyin badiil ah oo waqti dheer qaadanaya, safarka ugu qarashka badan ayaana ah kan Koonfur Africa.
2-dii bishaan Febraayo, Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday iney aad u kordheen weerarada loo adeegsanayo diyaaradaha Dornes-ka iyo Sawaariikhda ee ka dhacaya xeebaha Badda Cas, si gaar ah galbeedka magaalada Al-Xudeydah ee dalka Yeman.
Tan iyo billawgii bishii December ee lasoo dhaafay, waxay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta manaadiq kala duwan oo dhaca Badda Cas iyo Baabul Mandab ku beegsadeen 20 Markab, iyagoo adeegsanaya sawaariikh iyo diyaarado Drone ah.
Arrinkaas ayaa sababay in Mareykanka uu ku dhawaaqo isbaheyso mellatari oo ka dhan ah Maleeshiyadaan fadhigeedu yahay dalka Yeman, waxayna geysteen weeraro kala duwan.
Mareykankaa iyo Ingariiska ayaa sildiado duqeymo ah oo ay ka fuliyeen dalka Yeman waxay ku beegsadeen farisiimayaal dhowr ah oo ay lahaayeen Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, arrinkaas oo sii murjiyay xaaladda cakiran ee ka taagan xeebaha Badda Cas.